Taageerada ka hor dib u laabashada

Si Lagaaga caawiyo in aad ku laabato Wadankaagii Hooyo, ayaa waxaa talooyinka ku saabsan dib uga laabashada Austria iyadoo ay tixgelin siineysa waaxda iyadoo loo marayo Habraaca Waxyaabaha soo socda:

  • Talo bixin ku saabsan Rajooyinka Dalkaaga Hooyo
  • La wadaagida Macmuulad ku saabsan adeegyada suurtogalka ah ee Taageerada
  • Soo iibsashada Aqoonsiga/Dokumentiga
  • Bixinta Qarashka safarka
  • Taageerada iyo isku dabaridka Safarka oo ay ku jirto (Tikitka Diyaarada)
  • Iyadoo ay suuragal tahay in lagaa caawiyo ka bixitaanka Garoonka diyaarada Vienn (Schwechat) sidoo kale waxaa lagaa caawinayaa goobta aad sii mari doonto oo aad Taransit ku noqon doonto
  • Waxaad heli doontaa Kaalmo dhaqaale oo bilow ah
  • Hadii loo baahdo in lagaa caawiyo Adeega Kaalmada caafimaad Safarkaaga ka hor iyo sidoo kale Safarkaada kadib

Taageerada ama caawinta dib u laabashada kadib

IWadankaaga Hooyo waxaad ka heli kartaa Taageero adigoo adeegsanaayo Websetka ERRIN halkaas oo aad ka heli karto caawimaad sidoo kale Taageerada soo socota.

  • Lacag kash ah oo cadadkeedu yahay € 200
  • iyadoo loo qorsheeyay in laguug bixiyo lacag cadadkeedu yahay € 3000 (Iyadoo aan Lacagtasi Gacanta lagaa siin doonin), Lakiin waxaa lagaaga bixin doonaa Waxyaabaha lagama marmaanka ah iyo haatan Waxii aad Qorsheyneyso,
    • Waxaa si ku meel gaar ah laguu dejin doonaa goob aad ku noolaato
    • Caawimaada dhanka Caafimaadka iyo Bulshada
    • Waxaa lagaa caawin doonaa Talooyinka ku saabsan Arimaha Maamulka iyo Sharciga
    • Waxaa lagaa caawin doonaa in aad hirgeliso ama aad bilowda Ganacsi yar
    • Waxaa lagaa caawin doonaa iskuul Waxbarasho iyo Xirfad iyo Tababarada

Howl wadeenadeena Somaliland

Ururkeena Mudada dheer Waayo Aragnimada iyo Khibrada fog leh ee ERRIN Somaliland“ iyo Somaliland „IRARA Somaliland“ ayaa kaa taageerayo kadib imaatanka wadankaaga, iyo baahiyagaaga shaqsiyadeed Waxii Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka ERRIN Waxaad ka heli kartaa Halkaan, sidoo kale waxaad kala xiriiri kartaa qofkii aad la xiriirtay ee aad kala hadashay oo kaa taageerayay adeega dib u laabashadada..

ERRIN Logo

<

General Information on Voluntary Return Assistance

<

Reintegration Support for Returnees from Austria (BMI)


Get Return Assistance

Contact us, we help!